Sangin oo cuno cirka looga soo daadiyay

Diyaarado millitari oo ku sugan gobolka Helmand ee koonfurta Afghanistan ayaa cunto u daadiyay magaalada Sangin, halkaas oo malayshiyo Taalibaan ah ay ku go'doomiyeen boqolaal ciidammo iyo booliis isugu jira oo gobolka intiisa kale laga laga go'doomiyay.

Gafernatooraha Helmand ayaa xaqiijiyay raashinkaasi hawadda la daadiyay, balse wuu diiday in uu ka hadlo in ay magaalada Sangin ay ku sii socdaan ciidammadii la balanqaaday ee xoojinta ahaa.

Dadka shacabka ayaa isaga cararaya magaaladaasi.

Dadka qaar ayaa sheegay in taalibaanku ay laynayaan ciidammada ammaanka kaddib markii ay xoog ku galeen dhisme ay dawladdu leedahay