Ciidamada Komandoska Afghanistan oo gaaray Sangin

Guddoomiye ku xigeenka gobolka Helmand ee koonfurta Afghanistan, ayaa sheegay in ciidamada Komandos-ka ee Afghanistan ay gaareen degmada Sangin, iyagoo rajaynaya in ay hareeraynta ka dulqaadaan xarumaha degmada.

Taliban, ayaa halkaas ku hareeraysay dhowr boqol oo booliis ah iyo askar.

Taliban ayaa cambaaraysay Britain oo ku eedeysay in ay ciidamadeeda qaar ka mid ah ay dib ugu dirtay gobolka Helmand.

Inkastoo xukuumadda London ay sheegtay in doorkoodu uu yahay oo kaliya in ay la taliyaan militar-ga Afghanistan.