Human Rights Watch oo Nigeria eedaysay

Lahaanshaha sawirka Nigeria State House

hay'ada xuquuqul insaanka u dooda ee Human Rights Watch ayaa meleteriga dowlada Nigeria ku eedeeyey inay dilaan dad shiico ah

Hay'ada ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay ku sheegtay in meleteriga Nigeria ay dileen caruur aan hubaysnayn

Gaboodfaladan ayaa Human Rights Watch waxay ku sheegtay inay ka dhaceen waqooyiga Nigeria.

Howgalo dhowr ah oo meleteriga ay fuliyeen ayaa la sheegayaa in lagu bartilmaameedsaday Shiicada laga tirada badan yahay

Meleteriga waxay sheegeen inay baarayaan dilka la sheegay in la gaystay

Nigeria ciidankeeda ayaa mudaba la dagaalamayay kooxda Boko xaram waqooyiga bari ee dalkaasi