50 Taliban oo lagu dilay Sangin

Lahaanshaha sawirka AP

Saraakiil Afghanistan ah, ayaa sheegay in taliye Taliban iyo 50 ciidamadiisa lagu dilay dagaal adag oo habeenkii ka dhacay degmada Sangin ee koonfurta gobolka Helmand.

Diyaaradaha Mareykanka, ayaa labo jeer hawada ka duqeeyay iyagoo taageerayay ciidamada dowladda ee isku dayaya inay goobtaasi dib u qabsadaan. Guddoomiyaha Helmand, Mirza Khan Rahimi, ayaa sheegay in militeriga Afghanistan ay qabsadeen degmada balse waxaa lagu soo warramayaa in dagaalka uu weli socdo.

Afhayeen u hadlay dowladda, ayaa sheegay in hoggaamiyaha Taliban ee la dilay uu ahaa Mullah Nasir oo ku dhow hoggaamiyaha Taliban Mullah Akhtar Mansour.