Sacuudiga oo 25 ay dab ku dhinteen

Lahaanshaha sawirka Reuters Saudi Press Agency

Ugu yaraan shan iyo labaatan ruux, ayaa lagu dilay in ka badan boqol ruuxna waa ku dhawacmeen dab qabsaday isbitaal ku yaal magaalada Jizan ee Sacuudiga.

Dabka, ayaa aroortii hore ee khamiistii ka qarxay dabaqa koowaad ee isbitaalka guud ee Jizan, halkaasi oo ay ku yaaleen qeybta dhalmada iyo gargaarka deg degga.

Ma cadda sida uu ku bilowday, waxaana socda baaris la xiriirta. Gurmadka deg degga, ayaa haatan xakameeyay dabka.