Qarax ka dhacay dalka Nigeria

Lahaanshaha sawirka Nigerian red Cross

Dad badan ayaa loo maleynayaa inay ku dhinteen qarax ka dhacay goob gaaska laga soo saaro oo ku taal koonfurta Nigeria.

Dabka ayaa waxa uu socday in ka badan shan saacadood ka hor inta aan la damin.

Dad goob joog ahaa ayaa sheegay in shaqaalihii iyo macaamishii goobtaasi oo ku taal Nnewi oo ah gobolka Anambra in ay jirkooda aad u gubteen oo aan la kala aqoonsan karin meydadkooda.

Ilaa hadda lama oga tirada dadka ku dhintay, laakiin warbaahinta gudaha waxay sheegayaan in shaqaalaha gudaha ku jiray aanay badbaadi karin.

Qaar badan oo macaamiisha ah ayaa u tagay halkaasi si dhalooyiny ay gaas ugu soo shubtaan munaasabadda masiixiga.

Warbaahinta ayaa sheegaysa in qaraxu dhacay markii baabuur weyn uu qarxay kadib markii uu gaas halkaasi ku gediyay.