Dagaal ka socda wadooyinka Ramadi

Lahaanshaha sawirka

Ciidamada dowladda Ciraq oo ay taageerayaan duqeymaha cirka ee Mareykanku hoggaaminayo, ayaa ku soo dhawaaday xerooyinka dowladda ee magaalada Ramadi, iyadoo wadooyinka ay kula dagaalamayaan kooxda khilaafada Islaamka.

Afhayeen u hadlay ciidamada Ciraq, General Yaxye Rasool, ayaa sheegay in ciidamada Ciraq ay u jiraan kilimitir dhismaha dowladda. Wuxuu sidoo kale sheegay in mudnaantu tahay in laga fogaado waxyeelada nafeed.

Waxaa jira warar sheegaya in dukaamada ay sahaydi ka dhamaatay oo dadka deegaanka ay haysato cuno iyo biyo yari.

Dagaalkan dambe, ayaa ku yimid ciidamda Ciraq oo dhaqaaq xoogan sameeyay oo ay dib ugu qabsanayaan magaalada oo gacanta kooxda Khilaafada Islaamka gashay bishii May.