Guryo ku burburay dab ka kacay Australia

Lahaanshaha sawirka EPA

In ka badan boqol guri, ayaa ku burburay dab xoog leh oo ka kacay keymaha gobolka Victoria ee Australia.

Magaalooyinka loo dalxiis tago ee Wye River iyo Separation Creek iyo jidka ugu weyn ee dalxiisayaasha ee Great Ocean, ayaa ah halka ugu daran ee waxyeeladu gaartay.

Dad badan oo deegaanka iyo dalxiisayaal, ayaa ku qasbanaaday inay cararaan, waxaana la joojiyay dabaaldegyada Masiixiga markii xadka qatarta ay noqotay mid muuqata.

Roob, ayaa hakiyay dabka inkastoo weli aan la xakameyn. Dabka ayaa bilowday toddobaadkii tegay, balse markii dambe ku xoogeystay dabeylo.