Afghanistan: Dagaal ka socdo Sangin

Lahaanshaha sawirka AFP

Ciidamada dowladda Afghanistan, ayaa weli dagaal adag waxa uu dhexmarayaa xagjiriinta Taliban, taasi oo qeyb ka ah howlgal dib loogu qabsanayo magaalada koonfureed ee Sangin.

Saraakiil Kabul joogta, ayaa sheegeya in weerar rogaal celis ah oo ay militgeriga Afghanistan qaadeen uu culeyska ka yareeyay fariisimaha ugu weyn dowladda, hadana waxaa meelaha kale ka socda dagaal xooggan.

Madaxda deegaanka Helmand, ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Afghanistan uu weli cadaadis haysto, ayna si ba'an ugu baahan yihiin xoojin.