Alshabaab oo dilay ciidamo Kenyaan ah

Lahaanshaha sawirka AP

Ugu yaraan laba sarkaal oo ka tirsan bilayska Kenya ayaa dhintay kadib markii ay kooxda alshabaab weeraro gaadmo ah ku qaadeen ciidamo Kenyaan ah oo marayey aaga Ceel Waaq oo ah meel ku taala xadka u dhaxeeya Soomaliya iyo Kenya. Kooxda Alshabaab ayaa sheeganaya inay qabsadeen gaadhi milatarigu lahayeen.

Toddobaadyadan ugu danbeyey waxaa halkaa ka dhacayey weeraro ay qaadayaan kooxdaasi. Kenya ayaa ciidamo u dirtay Soomaliya 2011 si ay u jabiyaan kooxdan mintidiinta ah.