Dawladda Ciraaq oo Ramadi xoraysay

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Ramadi

Magaalada Ramadi ee dalka Ciraaq ayaa laga xoreeyay kooxda isku magacawday Dawladda Islaamka sida ay sheegen millitariga dalka Ciraaq.

Afhayeen u hadlay millitariga Brig Yahya Rasul ayaa sheegay in ciidammadu ay gaareen guul wayn, wuxuu intaas ku daray in dhismooyinka dawladda laga taagay calanka dawladda Ciraaq.

Xoogagga dawladda Ciraaq oo taageero ka helaya diyaaradaha dagaalka ee xulafada uu Maraykanku hogaaminayo ayaa labo todobaad waday dagaal ay ku doonayeen in ay dib ugu qabsadaan magaaladaasi oo u badan Carab Suniyiin ah.

Ramadi waxay gacanta kooxda Dawladda Islaamka gashay bishii shanaad ee sanadkan iyaga oo ka guulaystay ciidammadii dawladda.