Dad lagu dilay magaalada Mandheera

Image caption Khariiradda Mandheera

Wararka ka imanaya magaalada Mandheera waxay sheegayaan in ciidan ka tirsan milletariga Kenya ay rasaas ku fureen gaari la sheegay in uu wadada ka xiray.

Sida uu BBC-da u sheegay Sacad Aaba-jana oo ah xildhibaan ka tirsan dawladda hoose dad ayaa ku dhintay rasaasta la furay kuwo kalena waa ay ku dhaawacmeen.

Balse dowlada Kenya ayaa iyadu dhinaceeda sheegaysa in ay wado howgal amaanka lagu sugayo, ka dib weeraro ay alshabaab ka gaysteen deeganadaasi

Wararkii u dambeeyey ee dilalka ka dhacay mandera waxaad kala socondoontaan Iddaacadaheenna soo socda