Jabhaddo Suuriyaan ah oo la daad gureeyay

Lahaanshaha sawirka Reuters

Tobanaan dagaalyahanada Jabhadaha Suuriya ah ayaa laga soo daad gureeyay tuulada Zabadani oo u dhaw xadka Lubnaan iyada oo la adeegsanayo heshiis ay Qaramada Midoobay dhexdhexaadisay.

Kolonyo Basas iyo gaadiidka gurmadka dagdaga ah ayaa gaaray Zabadani, si ay uga soo qaadaan dagaalyahanada iyo qaar ka mid ah shacabka loona geeyo magaalada Bayruut

Daad guraytan waxay qayb ka tahay heshiis la gaaray bishii sagaalaad kaas oo ku wajahnaa Zabadani iyo labo magaalo oo kale oo ay dawladdu weerar ku haysay.

Ilaa saddex boqol oo qoys oo magaalooyinkaasi ku sugan ayaa loo ogolaaday in ay si nabad ah ku maraan jidka.

Zabadani waxaa weerar ku hayay xoogag dawladda taageersan oo gacan ka helaya malayshiyada Shiicada ah ee Xisbullah ee reer Lubnaan.

Si kastaba ha ahaatee labada magaalo ee Kefraya iyo Fuaa, oo ku yaala gobolka waqooyi ee Idlib waxaa weeraro ku haya jabhado Suni ah.

Hay’adda laanqayrta cas ee caalamiga ah ayaa sheegtay in ay hawshan ka qaybqaadanayaan, hay’adda laanqayrta cas ee Lubnaan, hay’adda bisha cas ee Carbeed ee Suuriya iyo Qaramada Midoobay.

Hawlgal noocan oo kale ah oo lagu soo daad gurayn lahaa jabhado ay ka mid yihiin kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka, oo laga soo daad gurayn lahaa xerada qaxootiga ee Falastiiniyiinta ee Yarmouk oo ku taala banaanka Dimishiq ayaa dhicisoobay sabtidii, wax yar uun ka hor markii uu bilaaban lahaa.