Maraykanka oo soo dhoweeyey qabshada Ramadi

Lahaanshaha sawirka Reuters

Wasiirka difaaca ee Dowlada maraykanka Ash Carter ayaa dib u qabashada dowladda Ciraaq ee magaalada Ramadi ku tilmaamay talaaba muhiim ah.

Waxuuna wasiirku sheegay in tani ay tahay tilaabo ka dhan dagaalka lagula jiro kooxda isugu yertay dowladda islaamiga ah.

Sidoo kale waxaa guusha dowlada ee dagaalka Ramadi ka hadlay ra'iisul wasaaraha Ciraaq

ra'iisul wasaaraha ayaa raaciyay hadalkiisa in ciidanka Ciraaq ay ka guulaysan doonaan kooxda Daacish

Muuqaalo lagu baahiyay telefishenka ayaa muujinaya ciidanka Ciraaq oo calanka dalka ka suray dhismaayinka dowladda

Balse dowladdu maysan sheegin ila aiyo hada ciidanka ramadi kaga dhintay