UK oo laga cabsi qabo dabaylo cusub

Lahaanshaha sawirka PA

Roobab xoogan iyo dabaylo ayaa laga filayaa inay ka dhacaan dalka UK.

Sidoo kale daadad ka dhasha dabaylahan ayaa cabsi laga qabaa

Waxaa jira ilaa afar digniin oo ku saabsan walwalkan la muujinayo

waxaana dowlada laga dalbanayaa inay tilaabooyin degdeg ah qaado

daadadkii dhashay maalmahan ayaa keenay inay xitaa dumaan buundooyin

Booliska ayaa sheegay in dad tuugo ah ay bililiqaysteen guryihii laga qaxay ee daadadka ay galeen

Kumanaan qof ayaa koronto la'aan ay ku dhacday. Waxaa sidoo kale la hakiyay rakaabkii diyaaradaha

Waxaa weli taagan cabsi laga qabo inay da'aan roobab kale oo xoogan