Saamiyada Facebook oo hoos u dhacay

Qiimaha saamiyada Facebook, ayaa hoos aad ugu dhacay bilo kaddib markii ay bilowday in lagu kala iibsado suuqyada badeecadaha, waxayna lumisay in ka badan kala bar qiimaheeda, inkastoo qof kasta oo weli saami ku leh uu maanta lacag ka sameyn karo.

Qaar ka mid ah saamileyda oo ku lumiyay wax ay lahaayeen walaac ay shirkadu qarisay oo ay ka qabtay adeegsiga kordhay ee taleefonada mobilada, ay saameysay daqligooda.

Garsooraha, ayaa sheegay in laba dacwadood oo koox samileyda ka mid ah ay si wada jir ugu dacwoonayaan, ay sii wadi karaan.

Shirkadda Facebook, ayaa walaac ka muujisay go'aanka, waxayna sheegtay inay racfaan ka qaadaneyso