Bangladesh oo dad dil lagu xukumay

Image caption Qaar ka mid ah dadka wax ku qora baraha internetka ee lagu dilay Bangladesh

Maxkamad ku taalla dalka Bangladesh ayaa laba qof ku xukuntay dil kadib markii lagu helay in saddex sano ka hor ay dileen nin calmaani ahaa oo baraha internet-ka wax ku qori jiray.

Axmed Rajib Hider oo baraha internet-ka wax ku qori jiray ayaa lagu dilay caasimada Dhaka, gaar ahaan gurigiisa hortiisa.

Dacwadda ku aaddan kiiska Hider ayaa socatay muddo 3 sano ah.

Xaakimka riday xukunka maanta ayaa sheegay in labada qof ee dilka lagu xukumay ay si toos ah ugu lug lahaayeen dilka Mr Hider.

Lix qof oo kale ayaa la sheegay in ay qeyb ka ahaayeen qorsheynta dilkaasi.

Axmed Rajib Hider ayaa ahaa calmaanigii ugu horreeyay ee internetka wax ku qora ee sanadihii dambe lagu dilo Bangladesh.

Dilkiisa waxaa xigay dilal loo geystay 5 qof oo ka mid ah calmaaniyiinta wax ku qora baraha internetka ee dalkaasi, kuwaasi oo la tuhunsan yahay in ay dileen kooxo Muslimiin xagjir ah.

Qaar badan oo ka mid ah calmaaniyiinta Bangladesh ayaa megangalyo weydiistay dalalka Yurub iyo Mareykanka, kadib markii loo hanjabay.