Doorashada dalka Afrikada Dhexe oo la amaanay

Lahaanshaha sawirka

Doorashadii ka dhacday dalka Afrikada Dhexe ayaa lagu soo waramayaa inay si habsami leh ku dhamaatay

Balse waxaa jira goobo codbixin oo farsamo xumo laga sheegayo

Dadka dalkaasi ayaa dooranayaa madaxweyne iyo xubno baarlamaan

Ilaa sodon musharax ayaa u tartamaya doorashadan ka dhacaysa dalkaasi

Qofka xilkan ku guulaysta ayaa badalaya hogaamiyaha ku meelgaarka ah ee talada haya hada

beesha caalamka iyo mamaulka dalkaasi ayaa si weyn u amaanay qaabka ay doorashadan u dhacday

Dalka Bartamaha Afrika waxaa labadii sano ee la soo dhaafay ka jira dagaalo diimo ku salaysan