Xeerar cusub oo ka dhaqan galay Delhi

Delhi cars Lahaanshaha sawirka PTI
Image caption Qiiqa ka baxa baabuurta magaalada Delhi

In ka badan hal milyan oo baabuur ah ayaa khasab waddooyinka looga saaray caasimadda India ee Delhi, bilawgii laba toddobaad oo tijaabo ah si gacan looga geysto nadiifinta mid ka mid ah magaalooyinka adduunka ugu qiiq badan.

Waddooyinku waxay u furan yihiin baabuurta wata taarigada kisi iyo dhaban in kuwaba maalin soo galaan magaalada.

Wasiirka ugu sarreeya magaalada Delhi, Arvind Kejriwal, waxaa uu sheegay in markii hawshaas saacado yar lagu jiray ay ka soo baxday natiijo dhiirrigelin leh.

Boliisku waxay sheegeen in dadka badankiisu ay xushmeynayeen xeerarka cusub. Qaar gefaf sameeyay waxaa la ganaaxay 30 dollar, laakiin badankooda waa loo digay dib ayaana loo celiyay.