Dad ku dhintay isku dhacyo dalka Yemen

Yemen conflict Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Dagaallamayaal reer Yemen ah

Lix qof ayaa lagu dilay agagaarka magaalada Cadan ee dalka Yemen mar uu dagaal dhexmaray xoogag dowladda raacsan iyo dagaalyahanno lagu tuhunsan yahay inay al Qaacida ka tirsan yihiin.

dagaalku waxaa uu qarxay mar ay kuwa dowladda taabacsan joojiyeen baabuur uu watay nin jihaad-doon ah meel baabuurta lagu baaro oo ku taal gobolka Abyan ee koofurta dalkaas.

Saddex ka mid ahaa maleeshiyada dowladda ayaa ku jira dadka dhintay, iyo sidoo kale nin la rumaysan yahay inuu madax ka ahaa maxkamad al-Qaacida ay deegaankaas ka samaysay.