Hindiya oo baareysa weerarkii Pathankot

Lahaanshaha sawirka Ravinder Singh Robin

Ciidamada Hindiya, ayaa sheegay inay wadaan baarista xagjiriintii ku luglahaa weerar lagu qaaday saldhig ciidamada cirka Hindiya oo ku yaal Pathankot, oo u dhow xadka uu wadankaasi la leeyahay Pakistan.

Saraakiisha militery, ayaa sheegay in afar nin oo hubeysan oo laga shakiyay iyo ugu yaraan labo asakri la dilay, kaddib markii ciidamo aad u hubeysnaa kuna labisnaa dharka ciidamada Hindiya ay aroortii hore Sabtiga weerareen saldhigga.

Dhacdadan, ayaa timid maalin kaddib markii ra'iisul wasaraaha Hindiya, Narendra Modi iyo dhigiisa Pakistan, Nawaz Sharif, ay kulan lama filaan ah oo nabadeed ku qabteen Lahore.

Ra'iisul wasaaraha Hindiya, Rajnath Sing, ayaa sheegay in Hindiya ay dooneyso in nabad ay kala dhexeyso Pakistan, balse weerar kasta oo argagixiso ah, ayaa laga bixinayaa jawaab isku mid ah.