Sacuudiga oo daldalay wadaad Shiico ahaa

Lahaanshaha sawirka AP

Sacuudiga, ayaa daldalay, Nimr al-Nimr oo wadaad aad loo yaqaan oo Shiica ahaa.

Wasaaradda arrimaha gudaha, ayaa sheegtay inuu ka mid ahaa 47 ruux oo dil lagu xukumay kaddib markii lagu helay falal argagixiso.

Nimr al-Nimr, ayaa la xiray 2012kii, kaddib markii uu dhaliilay boqortooyada Sacuudiga, balse taageerayaashiisu, waxay sheegeen inuusan marna taageerin dagaal, wuxuuna xarigiisa horseeday dibadbaxyada Shiicada wadanka.

Warka ku saabsan dilkiisa, ayey cabasho xoog leh ka muujiyeen Iran oo gobolka kula tartameysa Sacuudiga. Wadaadka weyn ee Ayatollah Axmed Khatami, ayaa ugu yeeray dambi horseedaya burburka qoyska talada Sacuudiga haya.