Doorashadda CAR oo aad loogu loolamay

Lahaanshaha sawirka AFP

Laba nin oo ra’iisul wasaarayaal ka soo noqday Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika, ayaa hadda si isu dhow ugu tartamaya doorashada madaxtinimo ee dalkaasi.

Iyada oo la tiriyay saddex meelood laba meel codadkii laga dhiibtay doorashada dalkaasi, ayaa Faustin Archange Touadera, waxa uu inyar ka horreeyaa Anicet Georges Dologuele.

Haddii la waayo musharrax ku guuleysta boqolkiiba 50 codadka la dhiibtay, labada musharrax ee ugu horreeya, ayaa u gudbaya wareega kama dambeysta ah.

Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika, ayaa waxaa colaad ka socotay tan iyo markii ay sanadkii 2013ka xukunka la wareegtay jabhadda Seleka oo Muslimiin u badan.