Al-shabaab oo weerartay warmaxan

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption al-shabaab

Wararka laga helayo gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in uu dagaal saaka ka dhacay tuulada Warmaxan, oo u dhexeysa degmooyinka Afgooye iyo Wanlaweyn.

Ciidammo ka tirsan Al-Shabaab ayaa weeraray saldhig ciidamada dawladda Soomaaliya ay ku lahaayeen tuulada Warmaxan, waxana halkaasi ka dhacay dagaal xoog leh oo markii danbe ay Shabaabku kula wareegeen tuulada.

Ugu yaraantii shan qof oo ka tirsanaa dhinacyada dagaalamay ayaa ku dhintay dagaalka iyadoo dhaawucuna intaa ka badanyahay.

Ururka Al-shabaab ayaa sheegay in ay dagaalkaasi ku dileen toban kamid ah ciidamada dawladda hase ahaatee afhayeen u hadlay maamulka gobolka Shabeellaha hoose ayaa beeniyay sheegashada Al-Shabaab, wuxuna sheegay in ay iska difaaceen weerar Al-Shabaab ay ku soo qaadeen deegaanka Warmaxan.