Baxrayn oo xiriirka u jartay Iran

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Baxrayn axaddii waxaa ka dhacay mudaaharaad lagaga soo horjeedo geerida Nimr

Dawladda Baxrayn ayaa shaacisay in ay xiriirkii dublamaasiyadeed u jartay dalka Iran, talaabadaasi oo la mid ah middii ay sucuudigu ku dhaqaaqeen.

Dawladda Sacuudiga ayaa labo maalmood u qabatay dublamaasiyiinta Iran kaddib muran ka dhashay dilkii wadaad caan ah oo Shiico ah oo ay Sacuudigu dileen iyo weerarkii lagu qaaday safaaradda Sacuudiga ee Tehran.

Sacuudiga iyo Iran ayaa ah labada quwadood ee ugu tukna wayn Suniyiinta iyo Shiicada gobolka.

Waxayna kala taageeraan mucaaradka Suuriya iyo Yemen.

Baxrayn waxaa maamulo boqor Sunni ah, laakiin bulshada badankeedu waa Shiico.

Boqortooyadda Baxrayn ayaa maanta oo isniin ah dublamaasiyiinta Iran u qabtay 48 saac gudahood in ay kaga baxaan dalkooda.

Waxaa jira cabsi laga qabo in gobolka uu ka qarxo isku dhac madaahiib salka ku haya, kaddib markii Sacuudigu ay dileen sabtidii Sheekh Nimri al-Nimri iyo afartan iyo lix ruux oo kale oo lagu eedeeyay falal argagixisanimo.

Isniinta maanta ah labo masaajid oo ay Sunniyiintu leeyihiin ayaa lagu qarxiyay dalka Ciraaq waxaana la dilay imaam.