Maraykan lagu dilay Afghanistan

Lahaanshaha sawirka AFP

Masuuliyiinta difaaca Maraykanka ayaa sheegay in ugu yaraan hal askari oo Marykan ah, oo kamid ah ciidamada gaarka ah lagu dilay howlgal lagula dagaalamayay Taliban koonfurta Afghanistan.

Masuuliyiinta ayaa sheegay, in laba kale oo askarta Maraykanka ay ku dhaawacmeen dagaal ka dhacay meel u dhow magaalada Marjah ee gobolka Helmand.

Diyaarad Helikobtar oo u soo degtay inay dhaawaca qaado ayaa duuli wayday, kadib qasaaro ka soo gaaray hoobiye ku qarxay goobta agteeda.