Mayd laga helay badda Aegean

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Qaxootiga ka imanaya Turkey.

Warfaafinta Turkiga ayaa sheegtay in 17 mayd oo ay ku jiraan carruur laga helay badda Aegean.

Video iyo sawirro ayaa laga arkay dadka dhintay oo xirnaa jaakadaha dabaasha oo laga helay xeeb u dhow magaalada Ayvalik.

Mid kamid ah wakaaladaha wararka ee Turkiga, ayaa sheegtay in doonta ay gadoontay iyadoo u socoto Gariiga.

Waxay sheegeen in ilaalada badda ee Turkiga iyo boliiska ay raadinayaan dad kale.