Kuwait oo u yeeraysa safiirkeeda Tehran

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Baarlamaanka Kuwait.

Kuwait ayaa noqotay waddankii ugu danbeeyay ee ka qaada talaabo diblomaasi oo ka soo horjeeda Iran, kadib markii dad banaanbaxaya ay weerareen safaarada Sacuudiga ee ku taal Tehran.

Dowladda Kuwait ayaa sheegtay inay u yeerayso safiirkeeda Tehran ee magaalo madaxda Iran ee Tehran, iyadoo ku tilmaantay weerarka mid jabiyay sharciyada caalamiga.

Sacuudiga ayaa gooyay xiriirkii uu la lahaa Iran, kadib markii Sacuudiga xukun dil ah uu ku fuliyay Nimr al- Nimr oo ah Sheikh Shiica ah.

Waddamada Bahrain, Sudan iyo UAE oo Sacuudiga la jira ayaa xiriirka u jaray Tehran.