Madaxa IMF oo booqanaysa Nigeria

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Christine Lagarde oo booqanaysa Nigeria.

Madaxa Hayadda Lacagta Adduunka ee IMF, Christine Lagarde, ayaa booqanaysa Nigeria si ay wadahadal ula yeelato madaxweynaha Nigeria Muhammadu Buhari.

Booqashadeeda ayaa waxay ku soo aaday iyadoo Nigeria oo ah waddanka ugu wayn ee shidaalka soo saara ay uu ku yimid hoos u dhac dhaqaale, kadib markii ay hoos u dhacday sicirkii shidaalka.

Bishii hore madaxweyne Buhari, ayaa ku dhawaaqay talaabooyin lagu yaraynayo lacag dheerad ah oo ay dowladda qarash garaysay oo dhan kow iyo toban bilyan oo dollar.