Ciraaq: " Waan dhexdhexaadinaynaa Iran iyo Sacuudiga"

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Ibrahim al Jaffari iyo Mohamed Javad Zarif.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ciraaq Ibrahim al Jaffari, ayaa sheegay in waddankiisa uu diyaar u yahay inuu dhexdhexaadiyo khilaafka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Iran iyo Sacuudiga. Isagoo ka hadlaya shir jaraa'id oo uu kula qabtay Tehran, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran, Mr al Jaffari, ayaa sheegay hadii la ogolaado inay xiisada sii kororto in qof walba uu qasaarayo.

Colaadda sii kordhaysa ee u dhaxaysa Ciraaq iyo Iran ayaa kordhin karta dagaalka ka socda Ciraaq oo ay jiro dagaalo madahabo diineed.