Aubameyang oo noqday laacibka Afrika

Lahaanshaha sawirka getty
Image caption Aubameyang ayaa u dheela xulka Gabon iyo kooxda Borussia Dortmund

Pierre Emerick Aubameyang oo u dhashay Gabon, una cayaara naadiga Borussia Dortmund ayaa ku guulaystay jaa'isadda cayaartoga K/cagta Afrika ee sannad kasta uu soo qabanqaabiyo xiriirka K/cagta Afrika ee CAF, xaflad ka dhacday magaalada Abuja, Nigeria.

Jaa'isadda oo la yiraahdo Glo CAF, waxaa sannadkan la dhex dhigay Aubameyang, Yaya Toure, iyo Andre Ayew.

Cayaaroyga ugu wanaagsan Afrika ee ka cayaara gudaha qaaradda waxaa ku guulaystay Mbwana Samatta oo u dhashay Tanzania, halka jaa'isadda hogaamiyaha K/cagta ee sannadka uu ku guulaystay guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta C/qani Siciid Carab.

Lix abaalmarin oo kale ayaa lagu bixiyey xafladda Glo CAF ee ka dhacday Abuja.