Suuriya oo ogolaatay in gargaar la geeyo Madaya

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dowlada Suuriya ay ogolaatay in gargaar la geeyo magaalada Madaya, halkaas oo lagu soo waramayo dadka inay gaajo u dhimanayaan.

Waxaa jiray baaqyo deg deg ah maalmihii ugu danbeeyay in gargaarka loo ogolaado magaalada oo xuduudda Labnaan u dhow.

Magaalada ayaa dowladda Suuriya oo taageero ka helaysa Xisbulah ay weeraraysay bilo.

Horaantii qof degan Madaya ayaa BBC u sheegay in laba qof ay u dhinteen gaajo maanta.