HRW: Boqol iyo afarta qof oo lagu dilay Ethiopia

Lahaanshaha sawirka AFP

Kooxda xuquuqda Aadanaha ee fadhigoodu yahay Mareykanka Human Rights Watch, ayaa sheegtay in ciidamada ammaanka Ethopia ay dileen ugu yaraan 140 dibadbaxayaal dowladda ka horjeeda ilaa november.

Dibadbaxyada ayuu saldhigoodu ahaa qorshooyinka dowladda ay ugu fidineyso Addis Ababa gobolka dariska la he ee Oromia.

Beeraleyda ee qowmiyadda wadanka ugu badan ee Oromada ayaa ka baqaya inay barakici doonaan.

Kooxda ayaa sidoo kale ku baaqay sii deynta Bekele Gerba oo ah hoggaamiye mucaarad.

Wariyaha BBC-da, ayaa sheegay in Oromada ay muddo ka cabanayeen in siyaasad ahaan iyo dhaqaaleba loo gacan bidxeeyay.