Qabow helay qaxootiga Yurub maraya

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Qaxootiga Yurub imanaya.

Shaqaalaha caafimaadka ee daawaynaya qaxootiga sii maraya waddamada Balkanska, ayaa arkay inay kordhayso qaxootiga jiranaya qabowga dartii.

Heerkulka ayaa hoos u dhacay oo gaaray -14 degree Celsius, waxaana batay xanuunka infekshinka xabadka qabowga dartii.

Dhaqaatiirta ayaa sheegay in socdaalka uu ku hayo qaxootiga culays maskaxda, iyadoo intooda badan aysan u joogsanayn adeeg caafimaad, sababtoo ah waxay ka walwalsan yihiin inay gaaraan meeshii ay socdeen.