Dalxiisayaal lagu tooriyeeyay Masar

Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption hoteel ku yaal magaalada Algardagah oo la weerraray

Wararka ayaa sheegaya in labada qof ee weerrarka gaysatay ay u jihaysteen makhaayad ku taal meesha loo tago dalxiiska ee Bella Vista ee magaalada Algardagah.

Waxa ay wateen midiyo iyo qori, waxa ayna tooriyeeyeen oo ay dhaawaceen saddex qof oo dalxiisayaal ah oo laba ay u dhasheen dalka Australia halka kan saddexaadna uu ka soo jeedo waddanka Sweden.

Wararka ayaa sheegaya in ciidammada ammaanka ay markaa kaddib rasaaas ku fureen ayna halkaa ku dileen labadii qof ee weerrarka soo qaadday.

Mid ka mid ah labada nin ayaa lagu sheegay in uu yahay 21 jir arday ah oo deganaa xaafadda Giza ee magaalada Qaahira.

Sawirro laga soo qaaday goobta ayaa la sheegay in ay muujinayaan dhar ag yaal maydka dadka weerrarka soo qaaday, dharkaas oo u muuqda inuu yahay calanka madow ee kooxda isugu yeerta Dowladda Islaamiga ah.

Masar ayaa waxa ay wajahaysaa dagaal aan kala go’ lahayn oo ay kula jirto maleeshiyaad Islaami ah, kuwaasi oo beegsada ciiddamada ammaanka, haatanse waxa ay u muuqdaan in sidoo kale ay beegsanayaan goobaha ay tagaan dalxiisayaasha.

Bishii Oktoobar ee la soo dhaafay, diyaar rakaab oo uu leeyahay Ruushka ayaa burburtay kaddib markii ay ka duushay magaalada lagu nasto ee Sharm el Sheikh ee ku taalla gacanka Siinay ee Masar.

Dhammaan 224-tii qof ee saarneyd diyaaraddiisa oo intooda badan ahaa dalxiisayaal ayaa halkaasi ku dhintay, iyadoo hay’adaha sirdoonka ay rumeysan yihiin in diyaaraddaasi si ulakac ah loo weerraray.