David Bowie oo geeriyooday

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption David Bowie iyo xaaskiisa Iman.

Dhimashada fanaanka caanka ah ee Britishka ayaa la sheegay. David Bowie ayaa ka mid ahaa fanaaniinta ugu waawayn waqtigiisii.

Wuxuu u dhintay cudurka Kanserka wuxuuna ahaa 69 jir.

Wakiilkiisa ayaa sheegayin Bowie uu u dhintay si sahlan iyadoo ay la joogaan reerkiisa.

Heesihiisa sida Space Oddity iyo Starman oo soo baxay dhamaadkii lixdameeyadii iyo bilowgii toddobaatameedyadii ayaa ka dhigay inuu caan ka noqdo caalamka, kaasoo uu ahaa noloshiisa oo dhan.

Intuu fanka ku jiray wuxuumar walba soo alifayay music cusub.

David ayaa sidoo kale ahaa Jilaa. Sanado badan ayuu caan ka ahaa bulshooyinka.

David Bowie wuxuu qabay gabadha Soomaalida ah ee Iman.