Sidii Taliban loola hadli lahaa oo la qorshaynayo

Magaalada Islamabad ee dalka Pakistan waxaa ka socda shir ay ujeedadiisu tahay in lagu abuuro hanaan wadahadal nabadeed lagula galo ururka Talibaan.

Waxaa shirkasi ku sugan wakiilo ka kala socda dawladaha Pakistan, Afghanistan, Shiinaha iyo Maraykanka.

Wadahadalku waxaa lagu furay hadal uu jeediyay lataliyaha Rai'sal wasaaraha Pakistan oo sheegay in loo baahanyahay in la sameeyo hanaan lagu dhisayo kalsooni.

Wuxuu intaas ku daray in kalsoonidu ay muhiim u tahay xataa in miiska wadahadalka lagu arko Taliban.