Suuriya: Gargaar la keenay Madaya

Image caption Gargaarka la keenay Madaya.

Baabuur sida gargaar caalami ah oo wada cunto iyo daawo aad loogu baahan yahay ayaa yimid magaalada Madaya ee Suuriya.

Masuuliyiinta gargaarka ayaa sheegay qaybinta gargaarka inay socon doonto habeenkii oo dhan.

Afartan kun oo qof oo ku nool Madaya, ayaa ciidamada dowladda ay ka xayireen gargaar dadka bilooyin dagaal ka socday awgeed.

Waxaa jira warar sheegaya in dad ay u dhinteen cunto la'aan.

Waxaa sidoo kale gargaar la keenay, laba tuulo oo waqooyiga Suuriya oo dowladda taageersan oo ay mucaaradka weerarayeen.