Ghana oo qaadatay maxaabiis Guantanamo

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Madaxweynaha Ghana John Mahama.

Madaxweynaha Ghana, John Mahama, ayaa difaacay go'aankiisa uu ku aqbalay laba maxaabiis reer Yemen ah oo laga soo daayay xabsiga milatari ee maraykanka ee Guantanamo.

Toddobaadkii hore wasaarada gaashaandhiga ee Maraykanka ayaa ku dhawaaqday in labada nin loo gudbinayo Ghana, kadib markii ay xirnaayeen labaatan sano.

Madaxweyne Mahama ayaa sheegay in Ghana aysan helin lacag si ay nimanka u qaadato, iyo inaysan qatar ku ahayn ammaanka.

hogaamiyayaasha kiristaanka ayaa muujiyay cabsi dhinaca ammaanka. Mucaaradka NPP ayaa sheegay inay ahayd in dadawaynaha la tashi lala sameeyo.