Iran oo qabatay doomo Maraykanku uu leeyahay

Lahaanshaha sawirka AP

Labo doomood oo Maraykanka uu leeyahay ayaa waxaa lagu qabtay biyaha dalka Iran

Doomahan iyo shaqaalihii la socday ayaa sida la sheegayo waxay galeen biyaha dalka Iran

Mid ka mid ah doomaha ayaa cilad gashay, waxay ka yimaadeen dalka Kuwayd iyagoo ku socday dalka Baxrayn

Dowladda Maraykanka waa ay xaqiijisay dhacdadan waxayna intaasi raacisay in Iran ay soo celin doonto Doomahan