William Ruto oo hortagaya maxkamada The Hauge

Lahaanshaha sawirka DPPS Kenya

Madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya William Ruto ayaa maanta hortagaya maxkamada dambiyada ee The Hague.

William Ruto waxaa loo haystaa dambiyo ka dhan ah bani'aadamka oo la galay sanadihii 207-dii iyo 2008-dii.

Wararka waxa ay sheegayaan inaysan jirin marqaatiyo diyaar u ah inay ku marag kacaan William Ruto.

Waxaa jira dad marqaatiyo ahaa oo la waayay amaba diiday inay yimaadaan maxkamada horteeda.

Horay waxay maxkamadda u tuurtay dacwadii ka dhanka ahayd madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyata

William Ruto waxaa loo haystaa inuu galay dambiyo dhacay xiligii doorashada kenya ee sanadkii 2007-dii

rabshadihii doorashadaasi ka dhashay waxaa ku dhintay boqolaal qof, waxaana ku barakacay kumanaan qoys