Kuwait oo xukuntay sir raadiyayaal

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Nimanka ayaa lagu eedeeyay inay ka mid ahaayeen koox 26 qof oo argagixiso ah.

Maxkamad ku taal Kuwait ayaa ku xukuntay laba nin dil, kadib markii lagu helay danbi inay sir u gudbinayeen Iran iyo inay qorshaynayeen inay weeraraan imaarada.

Mid ka mid ah nimanka ayaa ahaa reer Kuwait, kan kalena wuxuu ahaa reer Iran waxaana la xukumay isagoo maqan.

Waxaa nimanka lala xukumay 20 kale oo u dhashay Kuwait, oo lagu xukumay shan ilaa labaatan iyo shan sano oo xarig ah.

Xariga ayaa yimid iyadoo ay sii kordhayso xiisada u dhaxaysa dalalka Gacanka ee Suniga iyo Iran, kadib markii Sacuudiga uu xukun dil ku fuliyay wadaad Shiica ah.

Kuwait ayaa Safiirkeeda Iran u yeertay toddobaadkii hore, kadib markii la weerarary safaaradada Sacuudiga ee Tehran.