WHO oo codsanaysa inay tagaan Madaya

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Gargaarka la gaynayo magaalada Madaya.

Hayadda Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqday dowladda Suuriya inay u ogolaato shaqaalaheeda caafimaadka inay galaan magaalada Madaya, halkaasoo Qaramada Midoobay ay sheegtay inay ku aragtay xaaladii binia'aadanimo ee ugu xumayd intuu socday dagaalka Suuriya.

Wararka ayaa sheegaya in labaatan iyo sideed qof ay u dhinteen cunto la'aan meelaha mucaaradka ay joogeen, lixdii bilood ee ugu danbaysay.

Cunto iyo daawooyin ayaa la keenay shalay iyo xalay taasoo ah gargaarkii ugu horeeyay ee imaada tan iyo Octobar.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay filanayso gargaar dheeraad ah inay yimaadaan Madaya iyo tuulooyinka u dhow maalmaha soo socda, laakiin ma hubo inay ogolaanayso dowladda Suuriya.