10 ku dhimatay qarax ka dhacay Istanbul

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Fagaaraha Sultanahmet ee qaraxa ka dhacay.

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa sheegay in qof reer Suuriya oo isqarxiyay inuu qaaday weerarka bartamaha Istanbuul oo ay ku dhinteen ilaa toban qof.

Dadka dhintay ayaa u badan Jarmal dalxiisayaal ah.

Ugu yaraan shan iyo toban kale ayaa ku dhaawacmay. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jarmalka ayaa ku tilmaamay weerarka wax aad u xun. Qaraxa ayaa ka dhacay fagaaraha Sultanahmet ee bartamaha Isbanbul ee magaaladii hore. Jarmalka ayaa u digay dadkiisa inay iska ilaaliyaan goobaha dalxiisayaasha ay booqdaan.