Dagaal ka dhacay Ceelshiil

Lahaanshaha sawirka na
Image caption Ciidanka Soomaaliya

Wararka ka imaanaya tuulada Ceelshiil oo qiyaastii sideed km u jirta degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud ayaa ku waramaya in ugu yaraantii toban qof ay ku dhinteen dagaal.

Dagaalka oo dhacay galinkii danbe wuxuu dhexmaray ciidamada dawladda iyo kuwa Al-Shabaab.

Dadka deegaanka ayaa BBCda u sheegay in ay maqlayeen hub culus oo labada dhinac ay isku ridayeen.

Ciidamada dawladda oo ka baxay saakay galinkii hore degmada Ceelbuur ayaa gaaray tuulada Ceelshiil, halkaas oo ay saldhigyo ka samaysteen haseyeeshee galinkii danbe ayay koox aad u hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab weerar ku soo qaadeen, waxana halkaas ka dhacay dagaal culus.

Afhayeen ka tirsan Al-Shabaab ayaa sheegay in ay dagaalkaas ku dileen toban ka tirsan ciidamada dawladda kulana wareegeen tuulada Ceelshiil.

Dhinaca kale gudoomiyaha degmada Ceelbuur Nuur Xuseen Guutaale, ayaa BBC-da u sheegay in koox katirsan Al-Shabaab ay soo weerareen saldhigyada ciidamada dawladda ee Ceelshiil, balse ay iska difaaceen isagoo beeniyay sheegashada Al-Shabaab ee ah in ay qabsadeen Ceelshiil.

Wuxuuna khasaaraha ku sheegay dhankooda in hal askari uu dagaalka uga dhintay lixna ay uga dhaawacantay isagoo khasaaraha kooxda weerarka soo qaaday ku sheegay sagaal dhimasho ah.

Wali waxaa laga maqlayaa tuulada madaafiic iyo rasaas goos goos ah.

Ma jiro war madaxbannaan oo xaqiijinaya sheegashada labada dhinac ee dagaalku dhexmaray.