Iran oo sii daysay ciidamado Maraykan ah

Lahaanshaha sawirka b
Image caption Ciidamada Maraykanka ee Iran ay sii daysay.

Ilaalada kacaanka ee Iran ayaa sii daysay toban ciidamada badda ee Maraykanaka oo ay qabteen kadib markii ay soo galeen biyaha Iran ee Gacanka, telefishinka Iran ayaa sheegay.

Waxaa la qabtay ciidamada Talaadadii, kadib markii mid ka mid ah laba maraakiibtooda uu halaabay iyagoo tanbabar samaynaya, ayuu Maraykanka sheegay.

Hadalka ay soo saareen oo laga aqriyay Telefishinka Iran ayaa ciidamada lagu sii daayay badda caalamiga kadib markii ay raali galin sameeyeen.

Ciidamada oo ah Sagaal nin iyo hal dumar ah ayaa loo qaaday jasiirada Farsi ee bartamaha Gacanka, oo Iran ay saldhig ku leedahay.

Taliyihii ciidanka badda ee ilaalada kacaanka ee Iran, General Cali Fadavi, ayaa sheegay inuu ku qanacsan yahay in cilad makaanig ay ka danabaysay.