Cudurka Ebola oo ka dhamaaday G/Afrika

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Cudurka Ebola ayaa kumannaan qof ku dilay Galbeedka Afrika

Hay'adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa ku dhawaaqday in xanuunka Ebola ee ka jiray galbeedka Afrika uu dhamaaday.

Xanuunkan safmarka ah ayaa ahaa kii ugu darnaa ee abid la arko, kaasoo dilay in ka badan 11,000 oo qof.

WHO ayaa qirtay in qaabkii loola tacaalay xanuunka uu ahaa mid aad gaabis u ah, waxayna ka digtay inay dhici karaan in mararka qaar kiis soo booddo ah in la arko.

Liberia oo ka mid ah saddexda dal ee uu aadka u saameeyay cudurkaasi ayaa la shaaciyay inuu ka dhamaaday bishii hore.

Labada dal ee kale ayaa ah Sierra Leone iyo Guinea, waxaana horay loo shaaciyay in aanuu cudurkaasi ka dhamaaday.