Weerar lagu qaaday bartamaha Jakarta

Image caption Weerarka ka dhacay Jakarta ayaa la rumeysan yahay in lasoo afjaray

Weerar loo adeegsaday qoryo iyo bambooyin oo ka dhacay bartamaha caasimadda Indonesia ee Jakarta ayaa la rumeysan yahay inuu dhamaaday.

Boolisku waxay sheegeen inay dileen 5 mintidiin ah, ugu yaraanna ay laba qof oo rayid ah ay ku dhinteen.

Wararka qaar ayaa sheegay in la xiray 3 ka mid ah kooxdii weerarka qaaday.

Maqaaxida kafeega laga cabo ee Starbucks, shineemo iyo dhisme ay Qaramada Midoobay leedahay ayaa bartilmaameedyada ahaa.

Madaxweynaha Indonesia, Joko Widodo, ayaa booqday goobta uu weerarka ka dhacay.

Boolisku waxay ka digeen inay jirto khatar aan la dhayalsan karin iyo weerarro ay u badan tahay dhacaan, ayadoo amnigana la adkeeyey.

Koox sheegatay in ay xiriir la leedahay ururka isku magacaabay Dawladda Islaamiga ayaa sheegatay in ay weerarka qaaday.