Ebola oo markale lagu arkay Sierraleone

Lahaanshaha sawirka Reuters

Wararka ka imanaya dalka Serraleone ayaa sheegaya in la helay qof u dhintay cudurka Ebola

Hadalkan ayaa soo baxaya maalin ka dib markii WHO ay sheegtay in Ebola uu ka dhamaaday dalal galbeedka Afrika

Saraakiisha caafimaadka ayaa sheegaya in qofkan bukaanka ah uu dhintay, lana ogaaday inuu cudurkaasi sababsaday

Dalka Serraleone ayaa ka mid ahaa wadamadii uu aafeeyey cudurka Ebola oo kumanaan qof dilay