Alshabaab oo weeraray meleteriga Kenya

Lahaanshaha sawirka AP

Warar hordhac oo ka imanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in Alshabaab ay saaka waaberigii weerareen Ceelcade

Ceelcade waxaa degan meleteriga Kenya oo qayb ka ah Amisom

Alshabaab ayaa gaari qarax laga soo buuxiyay ku dhuftay xerada ka dibna waxaa bilowday dagaal toos ah

Dadka deegaanka oo bilaabay inay qaxaan ayaa BBc-da u xaqiijiyay dagaalkan inuu aad u xoogan yahay

Ma jiro wax warar ah oo la xiriira qasaaraha dagaalka balse weli waxaa socda dagaalka oo la maqlayaa

Kenya ciidankeeda ayaa dhowr saldhig ku leh gobolka Gedo. ceelcade waxay u dhowdahay magaalada Garbahaareey